Maamulka Jubbland ayaa kasoo horjeestay in wax ka bedal lagu sameeyo hanaankii doorashada ee ay isku raceen dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ka jira dalka.
War saxaafadeed ka soo baxay maamulka Jubbland ayaa lagu sheegay in maamulka Jubbland aysan marna aqbali doonin in wax laga badelo hanaankii doorashada ee lagu heshiiyey.



