DHAGEYSO: Xukuumada oo wax ka qabaneysa fatahaada webiga Shabeele

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” iyo Gudomiyaha gobolka Sh/Dhexe Cali guudlaawe ayaa waxa ay maanta si wadajir ah u koormeereen meelo uu ka fatahay Wabiga Shabeelle.

Labada Masuul ayaa waxay warbixino ka dhageysteen masuuliyiinta deegaanada ay koomeereen gaar ahaan goobaha uu ka fatahay Wabiga Shabeelle.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay wax ka qabanayaan saameynta uu dadka shacabka ah ku yeeshay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in dadkaasi loo gurmado isla markaana wax loo qabto.