Luis Suarez, kaasoo dhaliyay goolkii guusha Barcelona kulankii Sevilla, ayaa seegi doona kulanka Malaga kadib markii uu qaatay jaalihiisii shanaad ee xili ciyaareedkaan.
Taaas ayaa la micno ah inuu seego ciyaaryahanka kulanka ka dhanka ah kooxda Malaga ee ka dhacaya Camp Nou.
Suraez ayaa kusoo laaban doona kooxdiisa kulanka ka dhanka ah Real Sociedad ee Anoeta ka dhacay waana ka hor ciyaarta lawada sugayo ee El Clasico taasoo dhici doonta December 3.
Suarez oo la hadlay Spanish television ciyaarta ka dib ayaa sheegay inuu ka xun yahay sida ay wax u dhaceen.
“laakiin dhanka kale waxa uu sheegay in jaalaha uu yimid waqti fiican madaama uu diyaar u noqon doono kulanka Anoeta iyo ciyarata Real Madrid.”
Neymar ayaa hadda heysta afar kaarka oo hurdi ah isagoo Qatar ugu jira inuu seego ciyaarta El Clasico.