Neymar Oo Laga Yaabo Inuu Seego Kulanka El Clasico

Neymar ayaa ku qaatay jaale ciyaaryahanka kooxda Sevila ee Franco Vazquez taasoo ka dhigan inuu hadda afar jaale heysto xilli ciyaareedkan.

Taas macnaheedu wuxuu yahay inuu halis ugu jiro ciyaaryahanka inuu seego kulanka El Clasico, sabab la xiriirta inuu shan jaale kasban karo kulanka soooscda haddii aysan nasin kooxdisa.

Luis Suarez ayaa sidoo kale shan jaale ay u uruurtay sidaasi darteed wuxuu seegi doonaa kulanka Malaga isagoo soo laban kara kulanka Real Sociedad kasoo ka horeeya ciyaarta Real Madrid.

Barcelona ayaa sidoo kale la ciyaareysa Celtic iyo Hercules Copa del Rey laakiin looma xisaabin doono kararka kulamadaasi.