Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmaya wejiga cusub ee wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka, kuwaas oo diiradda lagu saarayo xal u helidda arrimaha doorashooyinka iyo is-afgaradka siyaasadeed.
Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka noqon doona wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Dowladda Turkiga, kuwaas oo la filayo inay dhinacyada u gudbiyaan hindiseyaasha iyo noocyada doorasho ee ay hore u soo diyaariyeen guddiyada farsamada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa kulanka ku matalaya guddi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, halka mucaaradka ay matalayaan guddiyo kala socda Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Golaha Mustaqbalka iyo Golaha Midnimada Qaran oo uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in maanta la filayo in guddiyada farsamadu soo gabagabeeyaan shaqadooda, iyadoo tallaabada xigta ay noqon doonto wada-hadallo toos ah oo dhex mara madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka mucaaradka.
Kulamadan ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis siyaasadeed oo saldhig u noqda hannaanka doorashooyinka iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.



