Allaah u naxriistee waxaa geeriyooday Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee maamulka Jubbaland Marxuum Mukhtaar Kaamil.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, bahda Waxbarashada iyo guud ahaan shacabka Jubaland uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubaland, Marxuum Mukhtaar Kaamil.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ahaa masuul karti iyo hufnaan ku sifoobay, kana soo shaqeeyay horumarinta waxbarashada iyo u adeegidda shacabka Jubaland heerar Kala duwan.



