Lionel Messi Oo Xalay U Dabaal Dagay Goolkiisii 500aad Ee Kooxda Barcelona

Lionel MessiBarcelona ayaa markale dabaal la sameysay Lionel Messi, ka dib markii laacibka Argentina uu dhaliyay goolkiisii 500aad ee kooxda xalay.

Messi ayaa dhaliyay gool kulankii kooxdiisa 2-1 kaga badiyeen Sevilla.

Waxa uu ahaa goolkiisii 500aad ee uu u dhaliyo kooxda Barcelona 592 kulan oo uu usaftay kooxda Catalan, waxaana kujira kulamo saaxiibtinimo, iyadoo 469 kamid ah ay yihiin tartan rasmi ah.

Messi ayaa haatan 105 gool oo nadiif ah ka sareeya ninka labaad ee ugu goolasha badan Barcelona ee Paulino Alcantara kaasoo labo jeer oo kala duwan u ciyaaray Barcelona intii u dhaxeysay 1912 iyo 1927.

Bishii Abriil, weeraryahankan ayaa dhaliyay goolkiisii 500aad ee mustaqbalkiisa oo dhan, waxaana kujiray kulamada heerka caalami, markaasoo gool uu ka dhaliyay kulan ay kooxdiisa 2-1 kaga badisay Valencia.

goolkiisii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah Messi ayaa ka dhaliyay La Liga isagoo ahaa 17-sano jir kulan uu wajahay kooxda Albacete bishii May 2005.