Wasiirkii hore ee Maaliyadda oo digniin ka bixiyay doorashooyinka la qorsheynayo ee Koofur Galbeed

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti ayaa qoraal uu soo saaray kaga digay qorshe uu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka damacsan tahay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS), kaas oo la xiriira hirgelinta nidaamka doorashooyinka qof iyo cod.

Fargeeti ayaa sheegay in nidaamkaasi uu yahay mid awood sheegasho ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka iyo nidaamka federaalka dalka, isagoo xusay in laga soo minguuriyay magaalada Muqdisho islamarkaana si qasab ah loogu doonayo in looga hirgeliyo deegaannada KGS.

Wuxuu sheegay in nidaamkan aanu noqon doonin mid sharciyad leh ama xasilooni keena, isagoo soo bandhigay dhowr sababood oo uu ku diidan yahay.

“Waxaan horey uga digay qorshaha Dowladda Federaalka ka damacsan tahay KGS. Waxaan mar kale halkan baaq cad iyo digniin uga soo saarayaa hirgelinta nidaamka lagu sheegay ‘Qof iyo Cod’ ee awood-sheegashada ah,” ayuu yiri Fargeeti.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in Dowladda Federaalka aysan haysan sharciyad buuxda maadaama muddo xileedkeedu dhammaaday, isla markaana guddiga doorashada, xisbiga talada haya iyo dowladda ay noqdeen hal dhinac.

Fargeeti ayaa sidoo kale sheegay in xaaladaha colaadeed iyo tabashooyinka ka jira qeybo kamid ah deegaannada KGS ay ka dhigayaan mid halis ah in doorasho lagu qabto si qasab ah iyada oo aan la sameyn dib-u-heshiisiin iyo wadatashi loo dhan yahay.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay in shacabka KGS ay u baahan yihiin xasilooni, dib-u-heshiisiin dhab ah iyo doorasho heshiis lagu yahay, halkii lagu qasbi lahaa nidaam uu ku tilmaamay mid sii hurin kara kala qeybsanaanta iyo deganaansho la’aanta.