Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug weli waxaa ka taagan colaad u dhaxeysa Maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana colaada ay tahay mid daba dheeraatay.
Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadlkeen colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo oo dad badan ay ku dhinteen, sidoo kalena ay ku barakaceen.
Waxa ay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay in ay kala dhex gasho dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale shacabka Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya hada aysan u baahneyn dhiig daata oo ay u baahan tahay nabad waarta iyo dib u heshiisiin dhab ah.
Shalay ayay aheyd markii Magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah, waxaana weli la filan karaa Dagaal kale maadaama dhinacyadii dagaalamay ay is hor fadhiyaan.


