Boosaaso-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 07 November, 2016 wuxuu Boosaaso ku qaabilay ergayga gaarka ah ee xogyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimha Soomaliya Michael Keating iyo wafdi uu hogaaminayo.
Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha Maamulka Puntland ku weheliyay wasiirka qorshaynta iyo xiriirka calamiga ah ee Maamulka Puntland Shire Xaaji Faarax iyo Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo La-dagaalanka Burcad Badeeda Siciid Maxamed Raage, Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Dhedo iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Maamulka Puntland.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ergayga gaarka ah ee xogyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimha Soomaliya Michael Keating ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaliya iyo xaaladda colaadeed ee ka aloosan Magaalada Gaalkacayo.
Kulanku markuu soo dhamaaday ayaa Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo ergayga Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya waxay madaxtooyada ku qabteen shir jaraa’id oo ay kaga hadlayeen wax yaalihii kulankooda kasoo baxay.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa tilmaamay in sidoo kale ay ka wada hadleen arrimo kale oo ku salaysan in lasii xoojiyo xiriirka Qaramada Midoobay iyo Dawladda Puntland iyo in lasoo afjaro xaaladda colaadeed ee ka aloosan magaalada Gaalkacayo.



