DHAGEYSO: Halkee ayay mareysaa idiiwaangelinta Aqalka Hoose ee Jubbaland

Kismaayo-RisaalaFM- Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashooyinka ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Xasan Cilmi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay si wanaagsan u socdaan qaban qaabada Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Deegaanada Jubbaland.

Waxa uu sheegay in ay meel wanaagsan mareyso isdiiwaangelinta Aqalka Hoose, sidoo kalena ay rajeynayaan in maalmaha soo socda ay guda galaan Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose.

Maxamuud Xasan Cilmi Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashooyinka ee Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay ku dadaalayaan Musharax walba oo wax ka tabanaya Guddiga.

Magaala Madaxda Maamul Goobleedyada Dalka ayaa waxaa xilligan ka soconaya qaban qaabada Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose, waxaana Guddiga Doorashooyinka dadban ee Dalka ay sheegaan in maalmaha soo socda ay rajeynayaan in la soo gaba gabeeyo dhameystirka xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.