Liverpool ayaa taariikh ku sameysay garoonkeeda Anfield,kadib markii ay guul soo laabasho leh ka gaartay Villarreal oo lugtii hore 1-0 kusoo badisay.
Jurgen Klopp ayaa wiilashiisa dagaal kusoo geliyay kulankan,taasoo keentay inay daqiiqaddii 6-aad ay gool iska dhaliyeen Villarreal,sidaas oo ah 1-0 ayaan lagu kala baxay.
Markii la’isku soo laabtay,- Villarreal ayaa qaab cayaareed liidata soo bandhigtay,iyadoo ugu dambeyn uu goolka labaad ka dhaliyay Daniel Sturridge oo niyadda u soo celiyay taageerayaasha Anfield.
Daqiiqadii dambe, daafaca midig ee Villarreal ayaa loo taagay kaarka CAS, taasoo niyad-wanaagsan siisay Liverpool, xilli uu goolka 3-aad dhaliyay Adam Lallana.Natiijo 3-0 ah ayayna guusha ku raacday Liverpool.
Dhanka kale, Sevilla oo joogtay garoonkeeda ayaa 3-1 ku macsalaameysay Shakhtar Donetsk, xilli lugtii hore ay bar-barro 2-2 kusoo dhamaatay.


