DHAGEYSO: Galmudug oo ka hadashay howlgallo ka socda gobolka Mudug

Mudug-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa ka hadlay howlgallo ciidamada Nabad sugidda maamulka Galmudug ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo.

Waxaana la sheegay in howlgalladaas lagu qaadayay jid gooyooyin la soo dhigay gudaha magaalada Gaalkacyo.

Maxamed Xaashi Carabey ayaa sidoo kale waxa uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga, si looga hortago kooxaha isbaarooyinka dhigta.

Deegaanada maamulka Galmudug ayaa maalmahan waxaa ka socday howlgallo ay sameynayaan ciidamada maamulka Galmudug, kuwaas oo ay ku qaadayeen isbaarooyinka yaalla deegaanadaas.