Liibya-RisaalaFM- Xukuumada Liibya ayaa xabsiyadeeda kasii deysay muwaadinin Soomaaliyeed oo in mudo ah halkaas ku xirnaa kuwaas oo doonaayay in ay dalkaas ka talaaban oo ay qaab tahriib ah ku galaan dalka Talyaaniga.
Mas’uuliyiin ka tirsan Safaarada Soomaaliya ee Liibya ayaa saxaafada u sheegay in muwaadininta lasii daayay ay gaarayaan 10-qof ayna u badanyihin rag dhalinyaro ah.
Waxa ay sidoo kale sheegeen Mas’uuliyiinta ka tirsan Safaarada Soomaaliya ee Liibya in ay ku guuleysteen in lasii daayo dhalinyaro Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada Liibya, sidoo kale waxa ay sheegeen Mas’uuliyiinta in ay sii wadi doonaan dadaalada xabsiga looga sii deynayno muwaadininta Soomaaliyeed.
Dhalinyaro Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar ayaa waxaa ay iminka ku xiranyihin xabsiyada dalka Liibya kuwaas oo doonaaya in ay si sharci darro ah ku galaan dalka Talyaaniga, waxaana la sheegaa in dhibaatooyin kala duwan loogu geysto halkaasi.
Dalal fara badan oo ka tirsan caalamka xabsiyadooda ayaa waxaa ku xiran Dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaa oo isugu jira Rag iyo Dumar, iyagoo doonaya in ay Tahriib ku galaan dalalka Yurub si ay uhelaan nolol ka duwan mid ay ku heystaan Soomaaliya.


