Rwanda-RisaalaFM- Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya oo ka qeyb galayay shirka Arimaha Dibadda wadamada Afrika oo ka dhacay Caasimada Kagame ee dalka Rwanda ayaa waxa uu sheegay in xilligan aysan suuragal aheyn in ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay ka baxaan dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka Miltariga Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugidda ay hada awood leeyihiin laakiin weli aysan gaarin isku filnaasho buuxda.
Waxa uu sheegay in ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay dalka ka bixi doonaan marka ay isku filnaasho buuxda buuxda ay gaaraan ciidanka Miltariga Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugidda.
Dhanka kale Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan udulqaadan doonin in ciidanka AMISOM ay Tacadiyo ugeystaan shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Ugand oo ah dowladda ugu badan ee ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay in ciidamadeeda ay kala bixi doonto Soomaaliya dhamaadka sanadka 2017-ka.


