Banaadir iyo Puntland oo lagu furi doono Ciyaaraha Gobolada

Muqdisho-RisaalaFM- Tartanka Ciyaaraha gobolada dalka ayaa galabta lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Muqdisho, waxaana Tartankan uu yahay mid aad uxiiso badan.

Furitaanka Tartankan ayaa waxaa ka qeyb gali doona Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Soomaaliya, Gudoomiyaha gobolka Banaadir, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho shalay waxaa soo gaaray ciyaartooydii ma tali laheyd goboldda dalka si ay uga qayb galaan tartanka horyaalka  kubada cagta gobolada dalka Soomaliyeed oo maanta ka furmi doono caasimada Muqdisho.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in maanta uu si rasmi ah ufurmi doono koobka ay ku tartami doonaan gobolada dalka.

Maamulka gobolaka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah ay utahay in ay marti geliyaan Tartanka Ciyaaraha gobolada dalka sanadkan.

Galabta hadii uu Alle idmo waxaa tartankan nasiib u yeeshay in lagu furo Ciyaartoyda Banaadir iyo Puntland.

Ciyaartoyda Banaadir iyo Puntland ayaa Idaacadda Risaala usheegay in ay diyaar uyihiin ka qeyb qaadashada kulankan, sidoo kalena ay si weyn ugu diyaar garoobeen Tartankan.

Kulanka Galabta dhexmari doona Banaadir iyo Puntland ayaa ka dhici doona Garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium, waxaana uu bilaaban doonaa saacadu marka ay tahay 04:00 Galabnimo.