AKHRISO: Isku aadka Tartanka Ciyaaraha gobolada oo la soo saaray

Muqdisho-RisaalaFM- Iyadoo Tartanka Ciyaaraha gobolada dalka galabta lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa waxaa la soo saaray isku aadka Tartankan.

Isku aadkan ayaa waxaa sameeyay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashaneysa xiriirka kubada cagta.

Galabta hadii uu Alle idmo waxaa tartankan nasiib u yeeshay in lagu furo Ciyaartoyda Banaadir iyo Koonfur Galbeed.

Kulanka Galabta dhexmari doona Banaadir iyo Koonfur Galbeed ayaa ka dhici doona Garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium, waxaana uu bilaaban doonaa saacadu marka ay tahay 04:00 Galabnimo.

Halkaan Hoose ka Akhriso isku aadka Tartankan.

Guruub A

Puntland

Banaadir

Koonfur Galbeed

Guruub B.

Jubbland

Galmudug

Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe