Shan ruux oo Soomaali ah ayaa dhimatay markii dab uu qabsaday dhisme ay ku sugnaayeen oo ku yaala deegaanka Al-jameeca oo ka tirsan koofurta magaalada Jeddah ee boqortooyada Sacuudiga.
Seddex kamid ah caruurtaasi dabka uu dilay ayaa asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya, waxaana la sheegay in caburin neefta ah ay u dhinteen maadaama aan laga badbaadiyay goobta dabka uu ka kacay waqtigii munaasabka ahaa, sida uu baahiyay wargeyska Arabic Daily ee kasoo baxay Sacuudiga.
Labo kale oo lamaane Soomaali ah ayaa sidoo kale dhintay markii qiiq iyo uuro kale ka kacday dabaqa labaad oo ay degenaayeen, sida booliska ay sheegeen.
Kooxda Badbaadinta dadweynaha ayaa jibiyay albaabka guriga dabka uu ka kacay si ay u badbaadiyaan dadka, laakiin nasiib daro waxaa laga warhelay iney mar hore u dhinteen dabka gurigooda ka kacay.
Afhayeen u hadlay kooxda badbaadinta rayidka ee magaalada Makka Saciid Sarhaan, ayaa sheegay in baaritaano ay ku hayaan waxyaabaha sababay in dhismaha dabka uu ka kaco, ayna warbaahinta usoo bandhigi doonaan natiijada ay baaritaankooda ku ogaadaan.



