Muqdisho-RisaalaFM- Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa caawa lagu dilay laba Xidigle ka tirsanaa qeybta Caafimaadka ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Laba xidiglaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/laahi Cilmi Nuur, kaasi oo dilkiisa ay ka dambeeyeen kooxo ku hubeysan Bastoolado.
Dadka Degaanka ayaa warbahinta Risaala u sheegay Dableyda dilka geysatay in ay baxsadeen daqiiqado ka hor markii Ciidanka ammaanka ay goobta gaareen.
Ciidamada ammaanka oo wata Gaadiika Dagaalka ayaa caawa waxa ay Howlgal gaar ah ka wadaan dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Wadajir, iyaga oo ku raadjooga raggii ka dambeeyay dilka Marxuum C/laahi.
Dilalka qorsheysan ayaa ka dhaca Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaasi oo inta badan masuuliyadooda ay sheegtaan Shabaab.


