Ciidamada kala duwan ee Ammaanka ee ka howlgalla Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa markale waxaa howlgallo ay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya ay ka fuliyey xaafado ka tirsan Magaalada Jowhar.
Howlgalka oo ay horkacayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada Jowhar ayaa Ciidamada waxaa ay ku bartilaameed sadeen Guryo gaar ah, waxaana laga soo qabtay waxyaabo maanka dooriya oo u badan Xashiish.
Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar Gaashaanle Dhexe Bashiir Xasan Xalafooy ayaa sheegay in Maamdooriyaha ay Ciidamada gacanta ku dhigeen ay ahaayeen kuwo Ummadda lagu dhibaateeynayay, wuxuuna uga mahad celiyay Ciidamada kala duwan ee ku guuleystay inay soo qabtaan.
Guddoomiyaha Magaalada Jowhar Cismaan Maxamed Mukhtaar ( Baareey) ayaa dhankiisa sheegay inay nasiib darro tahay in Dalagyadii lagu beeri jiray Beeraha lagu bedelay waxyaabaha maanka dooriya gaar ahaan Xashiishka, taasina ay kasoo horjeedaan hadii ay yihiin Maamulka Magaalada Jowhar.
Maamlmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Jowhar ka socday howlgallo looga hortagayo ka Ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya, waxaana Ciidamada ay qabteen Khamri iyo xashiis farabadan iyo dadkii ka Ganacsanayay.



