Kulanka Golaha Shacabka oo furmay

Waxaa xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka 32-aad ee golaha shacabka oo ay goobjoog yihiin 164 Xildhibaan.

Kulanka waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Ajendaha kulanka ayaa ah saddex qodob oo kala ah:

1. U codeynta dib u eegista xeer hoosaadka golaha shacabka.

2. Aqrinta saddexaad sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida.

3. U codeynta qoondaha miisaaniyadda dowladda 2019.