Ku dhowad 100 Meydad ah oo laga helay xeebaha Liibiya

Liibiya-RisaalaFM- Wararka ka imaanaya dalka Liibiya ayaa waxa ay sheegayaan in meydadka tiro muhaajiriin ah ay ku soo caariyeen xeebta dalkaasi, gaar ahaanna meel u dhow magaalada galbeedka ku taala ee Zuwara.

Meydadka laga helay xeebaha Liibiya ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay ku dhowaad in ay gaarayaan 100 Meyd.

Waxaana la sheegay in Meydadkaasi ay soo daad gureeyeen shaqaale ka tirsan hey’ada Bisha Cas.

Hey’ada Bisha Cas ayaa waxa ay sheegtay in Meydadkaasi ay muuqaal ahaan u muuqdaan muhaajiriin ka yimid waddamada Afrika sida Kenya, Soomaaliya Ethiopia.

Magaalada Zuwara ee dalka Liibiya ayaa waxa ay tahay meel ay inta badan ka baxaan doomaha muhaajiriinta ee u socdo dalalka Yurub.

Bisha Cas ayaa ku sheegtay sababta ay tahriibiyaasha Badaha ugu dhintaan in ay tahay Doomaha oo aad loo buux-dhaafiyo, marmarka qaarna ay dhacdo in doomahasi ay degaan.

Kumanaan qof ayaa ku naf waayay badaha labadii sano ee lasoo dhaafay sida laga soo xigtay heyadaha QM iyo kuwa kale ee samafalka.

Sanad walba Kumanaan Tahriibayaal ah oo badankooda ka soo jeeda Qaaradda Afrika iyo Wadamo ka tiran Qaaradda Asia ayaa waxay naftooda halis ku geliyaan Safaro khatar ah, si ay u gaaraan Wadamada Yurub halkaas oo marka ay tagaan lagu awdo Xerooyinka Qaxootiga ee la geliyo dadka Wadamadaasi Sharci darrida kusoo gala.