Deg Deg: Dowladda “Sarkaal Shabaab ah ayaan dilnay”

Sh/Hoose-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay la duqeeyay saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen gobolka Shabeelaha Hoose.

Sarkaakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay Duqeyn ku dileen Sarkaal Al-shabaab uqaabilsanaa dhanka Tababarada kaas oo lagu magacaabo Macalin Aadan.

Saraakiisha dowladda oo aan bixin faah faahin dheeri ah ayaa waxa ay sheegeen in duqeyntu ay ka dhacday deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose islamarkaana la xaqiijiyey in uu ku dhintay Macalin Aadan oo ahaa madaxii tababarada ee Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen Duqeymo ka dhacayay Shabeelaha Hoose, waxaana ay sheegeen in cabsi ay soo wajahday.

Al-shabaab ayaanan ilaa iyo hada ka hadlin wararka sheegaya in Duqeyn lagu dilay Madixii dhanka Tababarada Al-shabaab uqaabilsanaa.