Wararka naga soo gaaraaya degmada Dharkiinley gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay nin ganacsadaa oo lagu magacaabo Aadan Afgooye.
Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen,islamarkaana halkaas ay soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Aadan Afgooye lagu dhex dilay dukaan uu goobta ku lahaa.
Qof ka mid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay in Aadan Afgooye maalmo ka hor Masjidka Salaam ee Degmada Dharkiinleey uu ka istaagay, islamarkaana uu ka sheegay dilalka inay ku soo badanayaan xaafadda, Maamulkana looga baahan yahay inay ciidamo dheeri ah keenaan xaafadda.


