Ciidanka Dawladda iyo kuwa AMISOM oo weerar fashiliyay

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar ay Al-shabaab ku soo qaaday fariisimo ay ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War ay barta twitter kusoo qoreen AMISOM ayey ku sheegeen in ay fashiliyeen qorsho ay wadeen Ururka Al-shabaab ay ku doonayeen in ku weeraraan deegaanka Janaaale.

AMISOM ayaa sidoo kale sheegtay in ay la socdaan weerar kaste oo ay Shabaab ku doonayaan in ay ka geystaan meelaha  ay dagan yihiin AMISOM.