Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Bay

Dhaqdhaqaaq iyo Abaabul Ciidan ayaa la Soo Sheegayaa in ay ka jirto Duleedka Magaalada Baydhabo gaar ahan Deegaanka Daynuunay halkaasi uu Dagaal Xoogan ku dhexmaray Ciidamada Dowlada Soomaaliya,Kuwa  AMISOM iyo Ururka Al-shabaab oo Dhinac ah.

 

Dagaalka ayaa Yimid kadib Markii Ciidamo ka Tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku Soo qaadeen Fariisimo Ciidamada ay Dowlada soomaaliya ku leeyihiin Duleedka Deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhawac leh sida ay inoo xaqiijiyeen maamulka gobolka Bay.