Dad ayaa wali lagu la’yahay deegaanadii ay dagaalamen dad shacab iyo Ciidanka Liyuu boolis ee xadka ay wadagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.
Qaar ka mid ah ehelada dadka la baadi goobaya oo la hadlay idaacadda Risaala ee magaalada muqdisho ayaa sheegay in wali la’yihiin dad badan oo ka mid ahaa dadka kunool deegaanadii lagu dagaalamay.
Dadkaan ayaa sheegay in aamisan yihiin in ay Afduub ahaan u heystaan ciidanka dowlada deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ee liyuu Boolis,waxayna maamulka galmudug ugu baaqeen in ay arintaas wax ka qabtaan.
Shalay ayey aheyd markii Sagaal qof oo meyd ah laga helay meel ku dhow Dac-dheer oo ah halka ay ku dagaalameen dad shacab ah iyo ciidanka Liyuu Boolis.


