DHAGEYSO: AMISOM oo beenisay hadal ka soo baxay Daacish

Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa beeniyay in jiraan weeraro ay kooxda Daacisha ka geystay duleedka magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

AMISOM waxa ay sheegtay in warka kooxda Daacish uu yahay mid been abuur ah ,islamarkaana ay aamisan yihiin in jiraan weeraro ay uruka Al-shabaab ka geysteen duleedka muqdisho ayna la beegsadeen ciidanka AMISOM.

Kooxda Daacish ayaa markii ugu horeeysay waxa ay sheegtay in ay dambeysay weeraro ka  dhacay duleedka muqdisho.

Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay”argagixisado markaste waxay rabaan ayey sheegtaan,lakiin waxaan aamisanahay in weerarada ay ka dambeyeen unugyo ka tirsan Shabaab”.

Majiro hadal kasoo baxay Shabaab  oo ku aadan hadalka AMISOM ee in ay ka  dambeyeen weeraro ka ka dhacay duleedka Muqdisho.