Kooxda Red Devils oo sare u qaadeysa xiisaha ay u qabto Aubameyang

Manchester United ayaa aad u xiiseyneysa soo qaadashada ciyaaryahanka halista badan ee kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang.

Si Manchester United xidigaan ay u hesho waxaa laga doonayaa lacag dhan £70million waana qiimaha Macquulka ee xidigaan ay ku bixinkarto kooxdiisa.

Kulamadii todobaadkii lasoo dhaafay kadib Aubameyang  ayaa noqday bartilmaameedka koowaad ee xagaaga soo socda kooxda Mancehster United , waxaa sidoo kale xidigaan isha ku haaya Macalin Zidane.

Real Madrid ayaa xidigaan dooneysa waa haddii kooxda Madrid ay ku guuldareeysato soo qaadashada ciyaaryahan Robert Lewandowski.

Ciyaaryahan Aubameyang,ayaa kooxdiisa u dhaliyey xilli ciyaareedkaan 36 gool kadib 42 kulan.