Shabaq-ilaaliyaha kooxda Barcelona Claudio Bravo ayaa xaley la bedelay kulankii kooxdiisa ay la ciyaartay Betis , waxaana uu xidigaa sheegtay dhaawac kubka.
33-sano jirkaan ayaa lagu bedelay Marc-Andre ter Stegen dhamaadkii ciyaartaasi, waxaana kooxda Betis kulankaasi laga saaray ciyaaryahay.
Natiijada xidigaan reer Chile ayaa la xaqiijiyey inuu dhaawac kubka uu qabo , waxaana Barcelona ay ka dhowr sugeysaa inta uu dhaawiciisa la egyahay.
Warbixinta kooxda,” Claudio Bravo waxaa uu dareemayaa dhaawac muruqa ah gaar ahaan lugtiisa bidix.
Bravo ayaa xilli ciyaareedkaan kusoo bilowday La Liga 32 kulan , waxaana xidigaan laga dhaliyey 23 gool , balse waxaad ogaataa in kooxdiisa halis wajeheeysa axada kulanka Espanyol ee Comp Nou.


