DHAGEYSO: Maxay kawada hadleen Madaxweyne Gaas iyo Wafdiga gaaray Boosaao ?

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in wafdiga ay u yimaadeen ka qayb galka daah-furka dhameystirka wajiga labaad garoonka caalamiga ee Boosaaso oo maalinta berri ah lagu qaban doono isla garoonkaasi munaasabad balaaran oo lagu daah-furi doono mashruucaasi.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadnaqay taageerooyinka ay u fidiyeen Puntland islamarkaana sheegay in Talyaanigu ay tahay dowladda kaliya ee Puntland ka hirgelisey mashaariicda ugu waaweyn.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland, Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaliya iyo xog-hayaha guud ee urur Goboleedka IGAD mudane Maxbuub Macalin ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray waddo laami ah oo gaareysa 2-KM oo isku xiri doonta Dekedda iyo jidka soddonka oo ay maal-gelisey dowladda Talyaaniga.

Madaxweynaha dowladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaaay mashruucaasi mid muhim u ah isu socodka gaadiidka u kala goosha magaalada Boosaaso iyo guud ahaan gobolada kale ee Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya, sidoo kalena tilmaamay in wadadaasi ay culayska ka fududayn doonto wadada laamiga ah ee dhexmarta gudaha magaalada Boosaaso.