kooxda Dortmund oo ku dhawaaqday xidig ay kooxo badan ku raad joogeen

Raphael Guerreiro ayaa dhameystirtay heshiiska uu ugu dhaqaaqay kooxda Borussia Dortmund isagoo ka tagay kooxda Lorient,

Xiddigan boosaska badan ka ciyaara ayaa heshiis afar sanno u saxiixay kooxda ku dheeshay garoonka Signal Iduna Park.

Daafacan 22-sano jirka ah ayaa u ciyaaray 102 kulan kooxda ka dhsian Ligue 1 ee Lorient inta lagu guda jiray saddex sano oo uu la joogay.

kooxaha waweyn ee Barcelona iyo Liverpool ayaa isha ku hayayh saxiixa xiddiga reer Portugal ee xulkiisa kala qeyb galaya Euro 2016 ee Raphael Guerreiro.

Laakiin Dortmund ayaa xaqiijisay in ay ku guuleysatay tartanka loogu jiray saxiixa xiddigan khamiista maanta ah. lacagta lagu kala iibsaday ayaa lagu sheegay € 12million, iyadoo kooxdiisii hore Guerreiro lacagta wax ay ku leedahay.