Ander Herrera oo si lama filaan ah tababar ula qaatay Real Zaragoza

Xiddiga khadka dhexe ee kooxdda Manchester United,Ander Herrera ayaa durba bilaabay u diyaar garoowga xili ciyaareedka cusub isagoo tababar la qaatay kooxdisii hore ee Real Zaragoza.

26 jirkaan ayaa waayihiisa ciyaarta kubadda cagta kasoo bilaabay kooxdda reer Spain ee Real Zaragoza ka hor intii uusan aadin dhinaca Athletic Bilbao kadibna uusan uga sii gudbin Man United sanadkii 2014.

Herrera ayaa tababar la sameeyay ninka ay isku kooxdda ahaan jireen ee Alberto Zapater iyo 19 jirka Jesus Vallejo kaas oo naadigan ay ka iibisay Real Madrid sanadkii lasoo dhaafay balse amaah ay kusoo qaadatay.

Ander Herrera ayaa isku diyaarinaya nolasha cusub ee tababare Jose Mourinho kaas oo loo magacabay talisa Man United kadib markii shaqada laga ceyriyay Louis van Gaal.

Xiddigan khadka dhexe ayaa kooxdiisa 40 kulan u ciyaaray dhamaan tartamada xili ciyaareedkii dhamaaday laakiin 26 kulan oo qura ayuu kusoo bilaawday.

Ander Herrera oo hada ku sugan Spain waxaa la aaminsan yahay inuu boos qiimo leh ka heli doono taliska cusub ee Mourinho.