Baarayaasha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horreysay ku eedeeyay kooxda la baxday dowladda Islaamiga inay galeen gumaad ka dhan ah dadka Yazidi ee ku nool dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Guddiga ayaa sheegay in IS ay isku dayayso inay baabi’iso dhammaan dadka Yasidiga ah, iyaga oo gowracaya ragga, haweenka adoonsanaya iyo iyaga oo mamnuucaya caadooyinkooda dhaqan.
In ka badan saddex kun oo haween iyo carruur Yazidi ayaa la heystaa oo loo iibiyaa in la isticmaalo.
Khubaradu waxay ku doodeen in arrinta loo gudbiyo maxkamadda caalamiga ee dambiyada, iyaga oo sheegay inay hayaan akhbaar faahfaahsan oo ku saabsan goobaha ay dhaceen xadgudubyada iyo magacyada dadkii geystay.
Waxay sheegeen dalalka awoodda lihi ay tahay inay wax ka qabtaan sidii loo caawin lahaa dadkaasi.
Kooxda la baxday dowladda Islaamiga waxaa markii ugu horreysay ay cagta mariyeen dhul waqooyiga Ciraaq ka degen yihiin Yazidi sanadkii 2014.