Khudbad jeedinta Xafladda Caleema saarka Waare oo ka socota Jowhar

Waxaa Magaalada Jowhar ka socota Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Madaxda maamul goboleedyadda ayaa hadda Khubado kala duwan ka jeediyay goobta ay ka socoto Xafladda.

Madaxweynaha Puntland oo jeediyay Khudbadii ugu horreysay ee Madaxda maamulada ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la taageero Madaxweyne Waare.

Waxaa sidoo kale Khudbad jeediyay Madaxweynaha Jubbaland oo Madaxweyne Waare ka codsaday in uusan Xamar kasoo shaqo tagin oo ku sugnaado Jowhar.