Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay xaliso Khilaafka kala dhaxeeya maamulada.
Waxaa uu sheegay in xukuumadiisa ay xoojin doonto Nidaamka Faderaalka dalka ee hadda ay ku dhaqanto Soomaaliya.
“Hadii shaki idin kaga jiro, waxaa hortiina ka balan qaadayaa in aan xoojin doono federaaleynta dalka”
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in Madaxda maamulada iyo dowladda Dhexe ay wada hadli doonaan ,islamarkaana xal buuxa la gaari doono.
Waxaa uu yiri” Waxaan Idin kugu bishaareynayaa in Dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federalku aysan meelna kala aadeyn”
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa taagnaa Khilaaf u dhaxeeyay Madaxda maamulada iyo dowladda Dhexe.



