Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda dhexe iyo Madaxda Maamul goboleedyada Dalka ayaa sababay inuu hakad galo Tartanka Cayaaraha ee gobolada dalka.
Tartankan ayaa lagu waday in 21 bishaan in uu ka furmo magaalada Kismaayo, waxaana tartankaasi lagu waday in ay ka qeyb galaan 5 Maamul goboleed iyo gobolka banaadir.
Wasaarada dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay hakadka ku yimid tartanka iyo sababaha ugu weyn oo uu hakadka u galay.
Wasiirka Wasaarada dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumada Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in dowladda dhexe aysan masuul ka ahayn hakadka ku yimid Tartanka.
Sidoo kale waxa ay sheegtay in khilaafka u dhaxeeya madaxda dowlada dhexe iyo Madaxda Maamulka goboleedyada awgeed uu hakad u galay tartanka.
Waxa ay sidoo kale beenisay wararka sheegaya in loo diiday in ay tagto magaalada Kismaayo.



