Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya C/xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa amar ku bixiyay in Hay’addaha amaanka ay gacanta ku soo dhigaan askari qof shacab ahaa ku dilay gudaha Saldhiga Booliiska Degmada Heliwaa.
Taliyaha ayaa sidoo kale warqad qabasho ah u diray Talisyada Booliiska ee Gobolada dalka si gacanta loogu soo dhigo ninkaasi.
Askariga dilka geystay ayaa waxaa lagu magacaabaa 3 Alifle Yuusuf Maxamuud Maxamed, waxa uuna si bareer ah u dilay Alle ha u naxariistee Abshiroow C/llaahi Axmed sida taliska Booliiska uu shaaciyay.
Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in askariga dilka geystay lagu raad jogo sharcigana la horkeeni doono.
Mid ka mid ah ehelada Ninkii lagu dilay gudaha Saldhiga Booliiska Degmada Heliwaa ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in wiilkooda laga soo wacay Saldhiga laguna war geliyay in dacwo loo heysto balse markii dambe ay maqleen in wiilkooda la dilay.