Shil Khasaare geystay ayaa ka dhacay degaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho sidda ay Risaala u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka.
Shilka ayaa yimid ka dib markii Mootada Nooca Fekon ah ay ku dhacday gaari NOHA ah xilli uu kusii jeeday degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Waxaa shilkaasi ku dhintay Maxamuud Cabdulle Liibaan(Sisin) oo ka mid ahaa maamulashayaasha Iskuulka Ablaal.
Gaariga NOHA-da ah ee dul maray Mootadda ayaa goobta ka baxsaday , waxaana hadda ku daba jira Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.


