Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta Muddo kordhin u sameeyay Golaha Wakiilada maamulka Somaliland.
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Muddo kordhin loo sameeyay Wakiillada si ay u dardargaliyaan howlaha horumarinta Somaliland.
In ka badan 70 xildhibaan ayaa soo xaadiray kulanka.
Muddo kordhintan goluhu sameeyay ayaa ah Sagaal Bilood, taasi oo ay sheegeen in doorashadu bisha 12aad ee sannadkan, halka muddo xileedka golahu wakiilladu ku eekaan doon sannadka 2020-ka.



