Pakistan oo wasiir u dirtay shirka SCO ee Hindiya.

Pakistan ayaa ku dhawaaqday inay ka qaybgalayso Madasha Wadahadalka Ilbaxnimooyinka ee Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO), iyadoo u magacowday Wasiirka Federaalka u qaabilsan Isbeddelka Cimilada, Mosaddiq Malik, inuu dalkaas ku matalo shirka.

 

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan, Mosaddiq Malik ayaa dalka ku matali doona Madasha Wadahadalka Ilbaxnimooyinka ee SCO, taas oo lagu qaban doono magaalada New Delhi ee dalka Hindiya, 20-ka ilaa 22-ka Nofeembar 2026.

 

Bayaanka ayaa lagu sheegay in munaasabadda ay ka qaybgalayaan wakiillo ka socda dalalka xubnaha ka ah ururka SCO, kuwaas oo ka wada hadli doona arrimo la xidhiidha is-dhexgalka dhaqamada kala duwan, wada noolaanshaha dhaqameed iyo is-fahamka labada dhinac.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in dalku ay ka go’an tahay dhiirrigelinta wada-hadalka iyo xidhiidhka tooska ah ee bulshooyinka ilbaxnimooyinka kala duwan, iyadoo la adeegsanayo qaab-dhismeedka ururka SCO. Waxa ay intaas ku dartay in Pakistan ay sii wadi doonto taageerada iskaashi ku dhisan ixtiraam labada dhinac ah.

 

Shirkan ayaa ka dhici doona caasimadda Hindiya ee New Delhi, 20-ka ilaa 22-ka Nofeembar, waxaana ka qaybgalaya ergooyin ka kala socda dalal kala duwan oo xubno ka ah ururka.