Nabadoon Abaabul ayaa si kulul uga hadlay dagaalka dib uga soo cusboonaaday deegaanada hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo u dhexeeya beelo walaalo ah.
Nabadoonka ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, isagoo dhinacyada ku dagaallamaya ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo sii hurin kara xiisadda, isla markaana ay u tanaasulaan nabadda iyo wada noolaanshaha.
Dhanka kale, Nabadoon Abaabul ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay si degdeg ah uga howlgasho sidii xal waara loogu heli lahaa dagaalka ka soo cusboonaaday gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dowladda ay door muuqda ka qaadato daminta colaadda, ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin oo aysan sababin khasaare hor leh.



