Maxaa ka cusub gantaallada Iiraan?.

Warbixin uu daabacay wargeyska The Wall Street Journal, oo soo xiganaya saraakiil sirdoon oo Maraykan ah, ayaa sheegtay in Iiraan ay weli haysato ilaa 2,500 oo gantaal.

Warku wuxuu imanayaa iyadoo Ilaalada Kacaanka Iiraan ay sheegteen inay weerareen saldhig raadaar oo ku yaalla saldhigga milatari ee Riffa ee Baxrayn, iyagoo sheegay in weerarku jawaab u ahaa gardarro milatari oo Maraykanku sameeyay.

Toddobaadkii hore, Cali Bilali oo ah la-taliyaha sare ee taliyaha ciidamada cirka ee Ilaalada Kacaanka, ayaa sheegay in kaydka hubka Iiraan ku filan yahay sannado badan, ciidankuna diyaar u yahay hawlgallo milatari.