Kepa Arrizabalaga oo fariin cabsi ah u diray David de Gea

Goolhayaha kooxda Chelsea Kepa Arrizabalaga ayaa diyaar u ah inuu la tartamo David de Gea si uu u noqdo goolhayaha dooqa koowaad ee xulka Spain.

23-jirkaan ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqday dalkiisa kulan ay la ciyaarayeen Costa Rica bishii November ee sannadkii hore, laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu hal kulan kasoo muuqdo Koobkii Adduunka ee sannadkan.

Tababaraha cusub ee qaranka Spain Luis Enrique oo xulkiisa uu kasoo muuqan doono tartanka UEFA Nations League, wuxuu kalsooni siin doonaa goolhayahaan heerka caalami.

Xiddiga Manchester United De Gea ayaa ciyaaray dhamaan afartii kulan ee xulka Spain kasoo muuqday ciyaarihii Russia 2018, laakiin waxa uu sameyay qaladad muuqday markii xulkiisa barbaro 3-3 ah la galeen Portugal wareega group-yada.

Ra’yi ururin ay sameysay Marca ayaa muujisay in ku dhawaad kalabar taageerayaasha xulka ay doonayaan Kepa inuu noqdo golhayaha koowaad ee xulka Spain.