Diego Costa ayaa laga saaray xulka Spain ee ciyaaraha Uefa Nations League kaga hor imaanaya England iyo Croatia sababo shakhsi ah, sidaasi waxaa lagu yiri warbixin kasoo baxday xiriirka kubada cagta Spain.
29 jirkaan weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ayaa lagu badalay weeraryahanka Celta Vigo Iago Aspas, oo 31 jir ah.
Xulka Spain ayaa wajihi doona England kulan ka dhacaya Wembley oo katirsan qeybta afaraad ee Group A tartanka cusub.
Tababarihii hore ee Barcelona ayaa magacaabay xulkiisii ugu horeyay tan iyo markii uu qabtay shaqada xulkaan kadib koobkii adduunka.
Waxa uu ka tagay daafaca dambeedka bidix ee Barcelona Jordi Alba iyo xiddiga qadka dhexe ee Atletico Koke, halka Andres Iniesta, David Silva iyo Gerard Pique ay dhamaantood ka fariisteen ciyaaraha caalamiga ah.
Afar ciyaaryahan oo Chelsea ah ayaa ku jira ciyaartoyda lasoo xulay kuwaasoo kala ah Marcos Alonso, Alvaro Morata, Cesar Azpilicueta iyo Kepa Arrizabalaga.



