DHAGEYSO: Kenya oo sheegtay in ay diyaar u tahay kordhinta howlgalka AMISOM

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay diyaar la tahay ciidamo dheeraad ah in ay ku biiriso howlgalka Midowga Africa ee AMISOM hadii arintaasi golaha amaanka Q.M ay aqbalaan.

Wasiirka gaashaandhiga dalka Kenya ayaa sheegtay warqad cosdi ah in ay hordhigi doonto Q.M taas oo ku saabsan in Kenya ay diyaar u tahay in ciidamo ay ku biiriso AMISOM si loo xoojiyo dagaalak lagula jiro Al-shabaab.

Wasiirka gaashaandhiga dalka Kenya ayaa sidoo kale tilmaantay muhiimad weyn shabaabka in uu u leeyahay kordhinta ciidanka  AMISOM.

Waxaan intaa ay ku dartay in hadii Q.M codsigooda ay aqbasho in ay qorsheyn doonaan tirada ciidanka ay ku kordhin doonaan howlgalka AMISOM ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya.