DHAGEYSO: Galmudug”maxaabiis Al-shabaab ah ayaan soo qabanay”

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa waxa uu ka hadlay dagaalkii Al-shabaab iyo maamulka Galmudug  ku dhexmaray bariga gobolka Mudug.

Waxaana uu sheegay in ay dileen tiro ka mid ah Al-shabaab halka kuwa kalana uu sheegay in ay dhaawaceen, isagoo intaa ku daray in ku dhowaad dhowr iyo toban qof oo maxaabiis ah ay soo qabteen.

Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dagaalka Al-shabaab uu yahay mid caalami ah oo caalamka oo dhan ay ku qasban yihiin in ay ka qeyb qaataan.

Al-shabaab ayaana ilaa iyo hada dhankooda ka hadlin dagaalka ay maanta la galeen maamulka Galmudug.