Kenya-RisaalaFM- Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ay dishay 3 Dagaalyahano ka tirsan Shabaab, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayay dhulka Keymaha ah ee Boni ee ku dhaw Xuduuda Somaliya iyo Kenya ay wadaagaan.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Difaaca Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay ciidamada in ay iska hor imaad la galeen xubno ka tirsan Ururka Shabaab, kadib markii ciidamada ay heleen raadadka rag ay horey ugu raad joogeen.
Waxa kale oo Dowladda Kenya ay sheegtay labo nin oo Shabaab ah oo dhaawac ah in ay baxsadeen, halka ciidamada Kenya ay sheegteen in ay gacanta ku soo dhigeen Qoryo Ak47 ah, Saddex Bistoolad.
Warka ka soo baxay Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay howlgalkaasi inuusan wax Khasaare ah ka soo gaarin ciidamada amaanka dalka Kenya ee fuliyay howlgalkaasi.
Majirto ilo ka madaxbanaan Xukuumadda Kenya oo xaqiijinaya ama beeninaya warka ku aadan in la dilay 3 nin oo Shabaab ka tirsaneyd.


