Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay xiriirka Labad dal

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar, ayaa kulan uu la qaatay dhiggiisa dalka Kenya Aamina Maxamed Jibriil iyo qaar ka mid ah danjirayaasha caalamka u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasoo diiradda lagu saaray arrimaha maalgashiga.

Kulankaan oo ay soo qabanqaabisay safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya,waxa looga hadlay sida ay dowladaha caalamku maalgashi ugu sameysan karaan Soomaaliya,iyadoo si gaar ah looga hadlay xiriirka iskaashiga ganacsi ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiir Hadliye oo la hadlayay diblomaasiyiinta iyo wasiirrada ka socda Kenya ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaarisay dhammaan waxyaabihii suurta galin lahaa in ay maalgashi ku dhiirradaan dowladaha iyo ganacsatada dibadda, sidoo kale ay jiraan suuqyo badan oo la maalgashan karo.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Danjire Aamina Maxamed Jibriil, ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan isla markaana ay ganacsatada labada dhinac u fududeynayaan inay maalgashi ku samaystaan labada waddan.

Kulankaan waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka warshadaha Kenya, Wasiirka Ganagsiga Soomaaliya, Wasiir ku xigeenka qorsheynta Soomaaliya iyo masuuiyiin kale oo ka socota labada dowladood.