Kenya oo ka hadashay weerarkii deegaanka Diif

Taliyaha Booliiska  Joseph Boinnet ayaa xaqiijiyay weerarka Al-Shabaab ay kusoo qaadeen deegaanka Diif.

” Waxa uu ahaa weerar xoogan laakiin waan iska difaacnay inkastoo Shabaabku ay dhamaayeen ku dhawaad 100 dagaalyahan oo hubeysan ciidanka ayaa si weyn iska celiyay dib ayaan u ceyrinay ” ayuu yiri Taliyaha Booliiska Joseph Boinnet

War lagu qoray baraha Al-Shabaab ay wararka ku faafiyaan ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku hayaan deegaanka Diif ayna dagaal kula wareegeen deegaankaasi.

Waxaa la sheegay in weerarka uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan booliska Kenya.

Xooggaga Alshabab ayaa inta badan weerarra deegaannada Waqooyi Bari Kenya, waxaana la sheegaa in ay jiraan unugyo ka tirsan ururkaasi oo ku sugan deegaannadaasi.